HomeAll newsDhageyso:Korneel Sheegay inaysan waxba soo Kordhin doonin isbadalka ammaan Ee Muqdisho.

Dhageyso:Korneel Sheegay inaysan waxba soo Kordhin doonin isbadalka ammaan Ee Muqdisho.

micTaliska nabad sugida oo gacanta ka taagay ka hortagida weerarada shabaabul Mujaahidiin ayaa ammaanka Muqdisho ku wareejiyay maamulka Gobalka Banaadir.

Kulan ka dhacay Muqdisho oo ay kasoo qeybgaleen saraakiil Ciidan ayaa laga sheegay in hadda kadib ammaanka Muqdisho lagala xisaabtami doono gudoomiyaha Gobalka Banaadir.

Korneel Shariif Shaacir oo kamid ahaa saraakiishii Dowladii Siyaad Barre ayaa sheegay in maamulka gobalka banaadir uusan waxba ka qabin karin fashilka ammaan ee heysta dowladda.

Waxa uu sheegay in xubnaha dowlada yihiin kuwa u adeega shisheeyaha islamarkaana wax wadaniyad ah aysan lahayn.

Alshabaab ayuu sheegay inay joogaan meel kasta taasina ay usuurtagalinayso inay gaystaan weeraro ka dhan ah dowaldda iyo shisheeyaha.

Dhageyso Wareysiga Shariif Shaacir Ammaanka Muqdisho.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular