HomeAll newsDhageyso Turkiga Oo Sabab U Noqday Iney Sannadkan Khasaaraan Beeraleyda Soomaaliya.

Dhageyso Turkiga Oo Sabab U Noqday Iney Sannadkan Khasaaraan Beeraleyda Soomaaliya.

DSC01897-1024x768Dowladda Turkiga oo kamid ah dalalka fara galinka ku haya Soomaaliya ayaa sannadihii u dambeeyay xoogga saartay sidii ay dhaqaale uga sameyn lahayd wadanka, waxay la wareegtay dekedda iyo madaarka Muqdisho, waxay dalka keentay in badna oo kamid ah badeecadii ay ganacsatada Soomaaliyeed kala iman jireen Dubai, taasoo sababtay in dad badan ay waayaan shaqooyinkoodii.

Sidoo kale waxay turkidu keeneen qalab mishiin ah oo lagu dhiso guryaha kaasoo looga maarmayo shaqaalaha faraha badan oo fuundiyada la shaqeeya, waxaana dhacday in dadkii ka xamaalan jiray dhismaha ay shaqo la’aan soo wajahdo.

Intaa waxa dheer in ay sabab u noqdeen joojinta Sisintii dalka laga dhoofin jiray, taa badalkeedana iyagu ay keeneen Sisin iyo saliid macsaro caagado yar yar ku jirta, waxaana dhacday inay si aad ah u khasaaraan beeraleyda oo ay sannadkan SIsin badan usoo go’day.

Loorkii Sisinta ee ahaa 100 $ (boqol dolar) wuxuu maanta marayaa 20 $ (labaatan dolar) iyadoo beeraleyda sideed kamid ah gobolada wadanka ay arimahan kala sheekeysatay idaacadda islaamiga ah ee Al-furqaan.

Halkan Ka Dhageyso Beeraleyda Soomaaliyeed

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular