Sabtidii lasoo dhaafay waxaa dalka Uganda looga dhawaaqay in Museveni uu mar kale ku guuleystay madaxtinimada wadankaasi, taasoo ay ka caroodeen kooxaha mucaaradka iyo qaar kamid ah shacabka.
Musaveni wuxuu hadalkiisii ugu horeeyay doorashadiida kadib u goodiyay kooxaha mucaaradka, isagoo sidoo kale naqdiyay war kasoo baxay midowga Yurub oo sheegayay inaaney doorashadu si sax ah u dhicin.
Haddaba waxaa soo baxay weydiimo badan oo ku saabsan waxa madaxweynahaasi u suura galiyay inuu mar shanaad kursiga kusoo laabto iyo mustaqbalka wadanka Uganda, waxaana arimahan kala sheekeysanay aqoonyahan Suldaan Maxamad Gar yare oo il gaar ah ku hayay xaaladda dalkaas.